Puntland oo Xasan u jeedisay eedeyn culus oo la xiriirta…

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu ku lug leeyahay dagaal beeleed ka dhacay deegaan hoostaga gobolka Mudug.

Shaqaaqada kasoo cusboonaatay Mudug oo u dhaxeysa beelo ood-wadaag ah oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka Qorshaynta Maamulka Maxamed Saciid Faroole ayaa isla xiriiriyay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday Mudug iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo sheegay in uu billow u yahay dagaal saddexaad oo Gaalkacyo ku dhexmara Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dagaaladii gobolka Mudug ka dhacay sanadihii 2015 iyo 2016-kii ay dhaceen xilligii hore ee uu madaxweyne Xasan Soomaaliya uu joogay xafiiska.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli dhinacyadii ku dagaalamay aagga Galdogob uu mid walba ku eedeeyay dagaalkii shalay inay ku lug lahaayeen dowladda federaalka, Galmudug iyo Puntland.

Si kastaba, Labada beelood ee dagaalku u dhaxeeyo ayaa horey heshiis loo dhex dhigay, ayada oo shirar loogu qabtay Bandiiradley iyo Galgodob, kaasi oo ay uga heshiiyeen colaad dheerayd oo u dhaxeysay labada dhinac, hase yeeshe sida muuqata si rasmi ah dhaqan-gal uma noqon.

Dagaal beeleedyada ayaa inta badan ku soo noq-noqda deegaanada gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland ee gobolkaas ay dadaal ku bixiyaan sidii meesha looga saari lahaa murannada sababa gacan ka hadalka.