Xog: Ujeedka shirka DF iyo M/Goboleedyada u furmaya

Baydhaba (Caasimada Online) – Magaalada Baydahaba ee xarunta gobolka Baay waxaa haatan kusii qul-qulaya mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala tirsan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kuwaas oo beri shir xasaasi ku yeelanaya gudaha magaaladaasi.

Baydhaba waxaa maanta gaaray wasiirada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee maamullaada Jubbaland, Galmudug, Hirshabelle, Agaasimaha Waaxda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Xubnahan waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay wasiirka gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush & madax ka tirsan SoDMA.

Ujeedka ay wasiiradan u tageen magaalada Baydhaba ayaa ka qayb-galka shirka isku duwidda arrimaha bini’aadamnimada oo berri ka furmaya magaaladaasi, kaas oo looga hadlay arrimo ku aadan xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya.

Intaas kadib Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo isaguna halkaas ku sugan ayaa mas’uuliyiinyan la yeeshay kulan gaar ah oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Koonfur Galbeed, kaas oo looga hadlay qaban-qaabada shirka isku duwidda Arrimaha Bini’aadamnimada oo berri ka furmaya Baydhaba iyo Ajandihiisa.

Sidoo kale waxaa shirkaas ka qayb-geli doono ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac iyo madaxweyne Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Dhanka kale, waxaa madashan qayb ka ahayn Puntland oo uu weli khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka, taas oo aan ka qaybgein shirarkii u dambeeyay ee ka dhacay dalka.

Shirkan ayaa kusoo aaday, xilli laga digayo xaaladda El-Niño oo laga cabsi qabo daadad iyo fatahaado ka dhasha roobab mahiigaan ah oo da’a inta badan gobollada dalka.