NISA oo fulisay howlgal lagu laayay Al-Shabaab badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu dilay illaa 15 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in xubnahaas lagu dilay howl-gal qorshaysan iyo duqayn ciidanka gaarka ah ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka gaarka ah ee NISA ayaa sidoo kale waxay howl-galkaan kala kaashadeen saaxiibada caalamiga ah, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

Xubnaha Shabaabka ah ee la laayay oo si gaar ah uu ugu daba jiray Sirdoonka Soomaaliya ayaa ahaa firxadkii ka bad-baaday howl-gal 23-kii bishaan laga fuliyay deegaanka Buulo Madiino, kaasi oo lagu dilay 49 dagaal-yahan oo ka tirsanaa kooxda.

Ciidanka gaarka ah ee hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa sidoo kale burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen dagaal-yahaanada Shabaabka ah iyo hubkii ay wateen.

Howl-galadaan ay dowladdu sheegtay in lagu dilay Shabaab badan ayaa kusoo aadaya xili uu gaabis ku yimid howl-galadii dagaal ee ka dhanka ahaa kooxda, kuwaasi oo kal hor si xawli ah uga socday qeybo badan oo dalka.