DF oo shaacisay sababta dhimashada Maxamed Xasan Cumar Abuu Cabdiraxmaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegatay dilka Maxamed Xasan Cumar Abuu Cabdiraxmaan, oo ka mid ahaa madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab.

Kooxda Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay xalay ku sheegtay in Abuu Cabdiraxmaan, oo mar soo noqday waaliga Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, uu ku geeriyooday Jubooyinka, ayada oo aan shaacin sababta dhimashadiisa.

Hase yeeshee, qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in Abuu Cabdiraxmaan uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray hawlgal ay Ciidamada Qaranku ka fuliyeen xadka u dhaxeeya labada Shabeelle.

“Waxa Khawaarijtu ay dhaawiciisa geeyeen magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo uu ugu geeryooday daryeel’aan caafimaad iyo dhaawaciisa oo halis ahaa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Khawaarijta ayaa ku qarinayay horjoogahan guryo ay leeyihiin dad shacab oo ay
khasbeen, waxayna ku guulearaysteen in ay u helaan adeeg caafimaad maadamauu qabay dhaawac aad u culus.”

Ka sokow inuu soo noqday waaliga Al-Shabaab ee gobolka Banaadir, dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in Abuu Cabdiraxmaan uu madax kasoo noqday “qaybta marin habaabinta dhalinyarada isaga oo mas’uul ka ahaa maskax doorinta dhalinyaro farabadan.”

Dowladda ayaa intaas ku dartay inuu ahaa horjoogihii labaad ee heerkiisu sareeyo oo laga dilo Al-Shabaab laba bilood gudahood, xilli ciidamada dowladda ay balanqaadeen inay sii wadaan ugaarsiga madaxda sare ee Khawaarijta.

“Dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibadeeda caalamiga ah waxa ay ku raad joogtaa in cadaaladda la marsiiyo dambiilayaasha Khawaarijta ah ee u taagan waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.