Weerar ku billowday qaraxyo oo saaka ka dhacay QAAYIB iyo wararkii ugu dambeeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud oo muddooyinkii dambe ay gacanta ku hayeen ciidamada xooga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa sheegaya in halkaas uu saaka ka dhacay dagaal culus.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Qaayib weerar culus oo ku billowday gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey.

Waxaa la soo sheegayaa in dagaalka saaka uu geystay khasaare balaaran oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkaan ayaa sheegtay in Al-Shabaab si weyn loogu jabiyay dagaalka saaka ka dhacay deegaanka Qaayib, islamarkaana ay ciidamada fashiliyeen rabitaankii guracna ee kooxda.

“Waxaa la fashiliyaya saddex Qarax oo Al-Shabaab ay doonayeen inay ku gaystaan waxyeelo. Khawaarijtu markale waa ku jabeen Qaayib saaka. Ilaahay ayaa mahadsan kadibna mujaahidiinta beeniyay doonistii Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay inay qabsadeen deegaanka Qaayib ayna laayeen inta badan ciidamadii halkaas ku sugnaa, iyagoo xusay inay qaateen gaadiid dagaal iyo saanad milateri oo ay dagaalka kaga furteen ciidamada huwanta.

Sheegashada Shabaab ayaa waxaa durtaba beenisay dowladda, oo ayadu sheegtay in deegaanka Qaayib ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo ayagu muddooyinkii dambe halkaasi ku sugnaa.

Illaa hadda ma jiraan warar madax banaan oo ka waramaya sida ay wax u dhaceen, wuxuuna imanaya weerarkaan labo toddobaad un kadib markii ay Al-Shabaab sidaan oo kale u weerareen deegaanka Qaayib, ayaga oo hore u burburiyay anteennada adeega isgaarsiinta u fududeysa deegaankaas.