Sawirro: Ciidamo qeyb ka noqonaya dagaalka Shabaab oo loo soo xiray tababar

Jabuuti (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa dalka Jabuuti tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed.

Dufcadaan oo noqoneysa dufcadii 17-aad ee ciidanka Booliska ayaa tababarkooda waxaa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya, Talyaaniga iyo Jabuuti.

Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in cutubtayadaan tababarka soo dhameystay la geyn doona deegaanada laga xorreeyay Khawaarijta Al Shabaab, si ay ula wareegaan ammaanka goobahaasi.

Ciidamadaan ayaa sidoo kale waxay ka shaqeyn doonaan xasiloonidda iyo wada-noolaashiyaha bulshada ee deegaanada ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka saareen kooxda Al-Shabaab.

Sida qorshuhu yahay ciidamadaan ayaa dalka kusoo laaban doona toddobaadka soo socda, xili dhiig cusub lagu shubayo howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo toddobaadyadii dambe uu ku yimid gaabis.