DEG DEG: Odayaasha Cadaado oo diiday inay la kulmaan Ra’isulwasaaraha iyo Kheyre oo u safray Gaalkacyo

Cadaado (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Cadaado ayaa sheegayo inay Odayaasha Magaaladaas ay diideen inay la kulmaan Ra’isulwasaare Kheyre.

Ra’isulwasaaraha oo xildhibaano kasoo jeedo Cadaado u diray inay isugu keenaan Odayaasha ayaa waxaa ugu dambeyn la diiday inay kulmaan.

Odayaasha Cadaado ayaa Xildhibaanadii u imaaday u sheegay inaysan marnaba la kulmi doonin Ra’isulwasaare Kheyre iyagoo sheegay inuu ka baxay ballan ay horey u galeen.

Xildhibaanada kasoo jeedo Cadaado oo isku dayey inay odayaasha ku qanciyaan la kulanka Kheyre ayaa lasoo sheegayaa inuu fashilmay kadib markii ay Odayaasha ku adkeysteen inaysan marnaba hor fadhiisan doonin Ra’isulwasaaraha.

Odayaasha ayaa Xildhibaanada deegaankaas kasoo jeedo u sheegay  inaysan iyaga laheyn go’aanka Cadaado sidaas darteedna ay go’aan ku gaareen inaysan wadahadal la furin Ra’isulwasaaraha oo ay ku eedeeyeen inuu ballan hore ku furay.

Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa oo waji gabax kala kulmay Cadaado ayaa lasoo sheegayaa inay u baxeen dhanka Gaalkacyo iyagoo hadda sii marayo Gelinsoor.

Ra’isulwasaaraha ayaa kusii jeedo Gaalkacyo waxayna wararka halkaas ka imaanayo sheegayaan in Odaayasha Gaalkacyo ay Ra’isulwasaaraha u diyaarsadeen shuruudo adag.

Wixii kusoo kordho kala soco Caasimadda Online

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com