Khayre oo deg deg dib ugu laabtay Cadaado + sababta

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey Xildhibaano, wasiiro, mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo dadweyne fara badan.

Ujeedada uu mar kale dib ugu laabta Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay inay la xariirto sidii uu u qancin lahaa tabashada ay qabto magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in kulamo wadatashi ah Khayre uu ka bilaabi doono halkaasi , si xal looga gaaro tabashada ay qabto beesha degta Cadaado.

Beeshan ayaa si weyn uga hortimid in magaalada Dhuusamareeb lagu qabto doorashada Galmudug, sidoo kalena la dhigo gogosha dib u heshiisiinta maamulkaasi.

Warar kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya inuu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre u sii gudbi doono magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qaban qaabo iyo soo dhaweyn loogu jiro wafdigan ayaa laga dareemayaa halkaasi.

In ku dow labo todobaad ayuu Ra’iisul wasaaraha XFS ku sugan yahay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaloya, isaga oo booqasho ku tagay deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com