Somaliland oo xukun adag ku riday Wariye Coldoon

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Maroodi-Jeex ayaa saaka xukun adag ku riday Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon oo muddooyinkii dambe ku xirnaa gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Wariye Coldoon ayaa eedeymaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ahaa inuu aflagaadeeyey Madxaweynaha Soomaaliland, sidoo kalena uu wax ka sheegay dugsiga Abaarso oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Maxkamadda Maroodi-Jeex ayaa Wariyahan ku xukuntay saddex sano iyo lix bilood oo xabsi ah, kadib markii  ay sheegtay in lagu helay dambiyadaasi.

Coldoon ayaa marar badan la soo hor istaajiyey maxkamadda, balse ugu dambeyn saaka ayaa lagu riday xukunkaasi.

Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa aad wax uga qora arrimaha Soomaalinad, gaar ahaa dhiilalaha maamulkaasi, kuna baahiya baraha Internet-ka.

Somaliland ayaa dhowr jeer ku xirtay gudaha magaalada Hargeysa, kuna riday xukuno kala duwan.

Inta badan Somaliland ayaa xabsiga dhigta dadka wax ka sheega, waxaana iyo had jeer lagu eedeeyaa in caburin xoogan ku heyso dadka ku dhaqan deegaanada maamulkaasi.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com