Dhageyso: Gaas oo xiriirka u jaray DFS una yeeray xubnaha Puntland ugu jira

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland, ayaa go’aanno kasoo saaray heshiiskii shalay ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ee lagu dhisay mamulka cusub ee gobollada Mudug iyo Gal-Gaduud.

Gollaha wasiiradda Puntland oo uu horkacayo Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa waxay caawa shir deg deg ah ku yeesheen madaxtooyadda, kasoo looga hadlayo heshiiskii shalay lagu dhisay maamulka gobollada dhexe.

Shirkan oo mudo socday ayaa ka dib waxaa laga soo saaray qoraal, kaasoo lagu sheegay dowladda Puntland inay baaq ugu dirtay xubnaha dowladda fedeerka uga jira inay si deg deg ah Puntland ugu soo laabtan ugu yaraan mudo shan iyo toban maalmood ah.

Madaxwaynaha Puntland Gaas ayaa sheegay Madaxda Villa Somalia inay baal mareen dastuurka KMG ah ee dalka, isla markasna ay damacsan yihiin inay isku diraan beelaha Soomaaliyeed ee wada degan.

Waxa kale uu Gaas sheegay shirkooda inay ku go’aamiyeen in si guud ay xiriirka ugu jareen dowladda Villa Somalia, taasoo cadaynaysa in horay uu xiriir hoose oo aysan dadku wax badan kala socon uu jiray.

Go’aanada Puntland waxaa ka mid ah:

– In Puntland ay xariirka u jartay Dowlada Federaalka Soomaaliya.
– In Puntland ay dib ugu yeertay xubintii u matalaysay Gudiga dib u eegista dastuurka Dastuurka Somalia.
– In xildhibaanada iyo Wasiirada matala Puntland ay ka soo baxaan Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
– In beesha Caalamka ay makhraati ka noqotay, kana qeyb qaadatay arrimo bur bur u keenaya Puntland.
– In qaskii ka jiray 24 sano koonfurta Soomaaliya la rabo in loo soo wareejiyo Puntland.

Halkan hoose ka dhageyso hadalka Cabdi Weli Gaas

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com