Askar xoog ku soo raacay diyaarad oo lagu qabtay garoonka AADAN CADDE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee ilaaliya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay sideed askari oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin ciidamada dowladda kuwaasoo xoog ku soo racaay diyaarad rakaab oo ukala gooshta Muqdisho, Bakool iyo Baydhabo.

Ilo xog ogaal ah oo ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho oo u warramay Caasimada Online, ayaa sheegay in askartan la xiray in loo gudbiyay hey’adda dambi baarista ee CID-da, halkaasoo hadda lagu baarayo askarta ka timid degmada Waajid ee gobalka Bakool.

Askarta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa la socday diyaarada Salaam Air ee uu kala gooshta Muqdisho, Bakool iyo Baydhabo, waxaana la sheegay in mas’uuliyiinta degmada Waajid ay ka dambeeyeen in la soo saaro diyaaradda askarta dowladda.

Markii ay garoonka soo gaareen askarta ayaa la sheegay in lagu dacweeyay ciidamada ammaanka maadama diyaaradda ay tahay mid rakaab ah oo ay lee yihiin ganacsato Soomaali ah.

Ilaa hadda ma cadda sababta keentay in askar ka tirsan dowladda Soomaaliya ay xoog ku soo raacaan diyaarad rakaab ah isla markaana aaney bixin lacagtii laga rabay rakaabka saaran.

Waa markii ugu horreysay oo tallaabo noocan oo kale ay sameeyaan ciidamada dowladda oo dhibaatooyin aad u fool xun ka kula kagaca shacabka Soomaaliyeed ee raba in ay dalkooda mashaaarcii ka hirgaliyaan.

Waxaa kaloo jirta warar sheegaya in askarta maadama aaney la siin mushaar ku filan isla markaana safar dhinaca dhulka aaney soo marin karin in dantu ay baday in ay xoog ku saaraan diyaarad shacab.

Ciidamada dowladda waa dhaqan ay lee yihiin in gaadidka dadweynaha ay xoog ku raacaan iyagoo aan bixin wax lacag ah balse waxaa arrin cusub ah in ay xoog ku raacaan diyaarad rakaab ah, waxaana shaki aanu ku jirin in arrintaas ay saameyn ku yeelan doonto shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com