Daawo Ximin iyo Xeeb oo daboolka ka rogtay qorshaha ka dambeeya iyo cida wadata maamulka GOBOLLADA DHEXE

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex) waxaana uu faah-faahin ka bixiyay sababta uu maamulkiisa u qaaday heshiiskii shaley ka dhacay Villa Somalia ee la xiriirka dhismaha maamul gobaleed loo dhiso gobalada dhexe.

Baarleex ayaa ka xog warramaya qorshaha ka dambeeya dhismaha maamulkiisa iyo danta ugu jirta dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in sameynta maamulkaas uu ka dambeeyo arrimo dhow ah oo ay ka mid tahay dowladda maadama laga doonayo in ay dalka ay ka hirgaliso nidaamka fedraalka in ay dar-dar galiso arrintaas iyo in la car-qaladeeyo shir Ximin iyo Xeeb ay ku qabaneyso shanta bisha soo socota magaalada Cadaado.

Wuxuu sheegay sidoo kale madaxda dowladda in ay ka been abuuratay magaciisa iyo magaca maamulkiisa oo ku aadan isagoo ka qeybgalin heshiiska la dhahay waxaa ka qeybgalay maamulka Ximin iyo Xeeb.

Wuxuu beesha caalamka u caddeeyay in heshiiskii shaley ka dhacay Villa Somalia ay berri ka yihiin oo aaney waxbo laga weydiin doonin dhibaatada ka immaanata sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu ka digay dagaal iyo colaad hor leh oo ka dilaaca dadka wada deggan gobalada maamulka loo sameenaayo.

Hadalka madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa ku aadaya iyadoo saacad ka hor magaalada Dhuusamarreeb uu shir jaraa’id ku qabtay guddoomiyaha guddiga fulinta Ahlu Sunna, kaasoo si cad ah u sheegay in heshiiskaas ay qaadacsan yihiin isla markaana aaney wax shuqul ah ku lahayn.

Waxaa muuqata in dowladda uu ku soo furmay culeys hor leh oo ku aadan yagleelida maamul gobaleedyada laga dhisaayo gobalada dalka.

Halkan hoose ka daawo

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com