Sawirro: Socdaalka Xasan Sh ee Gedo

Garbahaareey (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta iyo shacabka ku dhaqan degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, oo uu maanta booqasho ku tagay.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta iyo shacabka kala hadlay adkeynta ammaanka iyo abaaro ka dilaacay gobalka kuwaasoo saameyn ku yeeshay dadweyne aad u fara badan.

Xasan Sheekh Maxammuud ayaa ballaan qaaday in dowladiisa ay wax ka qaban doonto dhammaan wax yaabaha ay soo bandhigeen mas’uuliyiinta iyo shacabka ku dhaqan Garbahaareey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegay inta ay joogaan Garbahaareey ay booqan doonaan goobo muhiim oo ku yaalla magaalada waxaana ka mid qabriga uu ku aasan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya marxuum Maxamed Siyaad Barre.

Waa markii ugu horeysay oo madaxweynaha Soomaaliya uu booqdo Garbahaareey tan iyo markii uu hoggaanka uu qabtay daba-yaaqadii sannadkii 2012-ka.

Dhinaca kale, waxaa soo baxaya dhaliilo loo jeedinaayo madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadan in uu ka tagay guddoomiyaha gobalka Gedo iyo ku-xigeenkiisa kuwaasoo hadda ku go’doonsan magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdi Kaliil guddoomiyaha gobalka Gedo ayaa sheegay in xittaa aan lala socodsiin booqashada madaxweynaha uu ku tagay Garbahaareey iska daa .

xasan gedo 1xasan gedo 2xasan gedo 3xasan gedo 4xasan gedo 5xasan gedo 6xasan gedo 7

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com