VILLA SOMALIA oo barakac xoogan uu maanta ka billowday (Maxaa dhacay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo Xog-Ogaal ka tirsan Villa Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in saakay qeybo ka tirsan Madaxtooyada Somalia laga bara-kicinayo dad muddo halkaas ku noolaa.

Waxaa wararka ay sheegayaan in qeybo ka tirsan Madaxtooyada laga saarayo Carruurta iyo Xaasaska Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan Dowlada Federaalka oo halkaasi gabaad ka dhiganaayay in muddo ah.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Amarka lagu barakicinaayo Xaasaska iyo Carruurta Wasiirada iyo Saraakiisha Laamaha Ammaanka uu bixiyay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Erag.

Qoysaska iyo Carruurta Mas’uuliyiintaasi Saakay la barakicinaayo ay la sheegayaa inay kor u dhaafayaan 150 Qoys, waxa ayna Arrintaani ka dambeysay kadib weeraro kala duwan oo lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Somalia.

Sidoo kale, Amarka kasoo baxay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Erag, ayaa waxaa Madaxtooyada looga rarayaa Shirkadaha Xarumaha ku dhex leh Madaxtooyadae, kuwaasi oo Saakay furanaayo qalabkii halkaasi ugu xirnaa.

Arrimahan, ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorshe cusub, oo amniga lagu sugayo, oo wasiir Ereg uu la yimid.

Ereg waxa uu sheegay in madaxtooyada ay tahay kaliya hoyga qoyska madaxweynaha Soomaaliya iyo xafiiskiisa, wixii intaas kasoo harana ay tahay qalad inay halkaas ku sugnaadaan.

Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya inuu jiro Khilaaf hoose oo ka dhex curtay Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Ciidamada oo ay Carruurta ka degan yihiin Madaxtooyada, iyadoona ay Saraakiishaasi warqado cabasho ah u gudbiyeen Xafiiska Madaxweynaha hayeeshee ay ku gacan seyreen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com