Sawirro: Puntland oo dabbaal degtay

Garoowe (Caasimada Online) – Ammaanka magaalooyinka waaweyn ee maamulka Puntland ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta lagu arkayaa ciidamo aad u fara badan.

Arrintan ayaa ka dambeesa Puntland oo u dabaal dageysoa 16-sanno guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay maamulkaas.

Dad weyne fara badan ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyne ee magaalooyinka Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Qardho.

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo si kooban ula hadlay dadweyne isugu soo baxay barxad ku taalla Garoowe ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay 16-sanno guuradii ka soo wareegatay aas-aaska maamulka Puntland wuxuuna sheegay in khubada uu ugu talagalay munaasabada uu ka jeedin doono caawa munaasabad ka dhaceysa xarunta baarlamaanka.

994140_807396805957776_2010473780825089363_n

1385773_807397175957739_7098747539105255796_n

10455033_807397475957709_763212831674114382_n

10557293_807398185957638_7452971072049361406_n

10455033_807397475957709_763212831674114382_n

10583957_807395382624585_488902264724773512_n

10590660_807396149291175_2266514890138631431_n

Xuska 16-sanno guuradii ka soo wareegtay aas-aaska maamulka Puntland ayaa ku soo aadaya iyadoo maamulka Puntland ay ku dhawaaqeen in ay xiriirka u jartay dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in dhammaan xubnaha Puntland uga jira xildhibannada baarlamaanka ay ku soo laabtaan muddo 15-cisho ah.

Puntland ayaa ka carootay heshiis maalintii Arbacadii ka dhacay xarunta Villa Somalia kaasoo la sheegay in lagu dhisaayo maamul gobaleed loo dhiso gobalada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimda@live.com