QARAX dhimasho badan geystay oo ka dhacay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la tilmaamayaa in lala eegtay Kolonyo Ciidamo ka tirsanaa DF Somalia oo maraayay Deegaanka Xaawa Cabdi kuwaasi oo kusoo jeeday Magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa xaqiijiyay in Qaraxa uu ahaa miino nooca rumuudka lagu hago, waxa uuna sheegay in indhihiisu uu ku arkay ilaa Lix kamid ah Meydadka Ciidamada qaraxa lala eegtay.

Ciidamada Qaraxa lala eegtay ayaa ka tirsanaa kuwa Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia sida uu kusoo waramaayo goobjoogahaasi.

Sidoo kale Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa Seddex Askari oo ka tirsan Nabadsugida iyo dad goobta maraayay.
Lama Oga sababta ka dambeysay beegsiga Ciidamadaasi qaranka oo kusoo jeeday Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com