“Dowladda SOMALIA ayaan gacanta u galinay shirka dhibkii ka dhacana iyadaa mas’uul ka ah”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Maamulka Ximan iyo Xeeb ay gabi ahaan shirka Cadaado ku wareejiyeen DF Somalia.

Maxamed Xaaji Xuseen oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in shirka Cadaado uu gacantooda ka baxay islamarkaana dhib waliba oo madasha ka dhaca ay mas’uuliyadeedu qaadi doonto DF Somalia.

Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan aysan xamili Karin Khilaaf iyo buuq joogta ah oo kaga imaada dhanka DF Somalia sidaa awgeedna ay ku wareejiyeen shirka.

‘’Xiligaan wixii ka dambeeya su’aal nalagama weydiin karo waxyaabaha ka socda Cadaado shirka waxa uu galay gacanta DF wax waliba oo dhib iyo khasaaro ah iyada ayaa mas’uul ka ahaan doonta’’

‘’Anagu shirka waxa aan ku wareejinay gacanta Xildhibaanada Dowlada ka jooga Cadaado anaga iyo dowlada sidaa ayaan ku kala madax-banaanaynaa’’

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Odawaa oo horay u joogay Cadaado ayaan u suuragelin weli in Maamulka Ximan iyo Xeeb uu ku qanciyo u jeedkii uu u tegay Cadaado, waxaase Xildhibaano Maalmihii lasoo dhaafay jooga halkaas ay u suura gashay in ay aqbalaan in Shirka ama ay wadaan ama Dowladda u dhiibaan sidaana gacanta Dowlada uu shirka kusoo galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com