Ciidamada Jubba oo dhaqdhaqaaq dagaal wada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka saakay naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in gudaha Magaalada lagu arkaayo Ciidamo wata gaadiidka dagaalka oo kusii qulqulaayo duleedka Kismaayo.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ujeedka Ciidamadaasi uu yahay duulaan rogaal celin ah oo ay doonayaan in mar labaad ay ku qaadan Xerada Ceel-Dhiig ama Ma-dhamaato oo ku taala Duleedka Kismaayo.

Xerada Ma-dhamaato waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan DF Somalia oo maalnimadii shalay lagu weeraray xerada kuwaasi oo ay Wasaarada Gaashaandhiga u xaraysan si loo tababaro.

Jawiga Kismaayo ayaa laga dareemayaa jawi colaadeed waxa ayna cabsi xoogan ka taagan tahay duleedka KIsmaayo oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada DF iyo kuwa Axmed Madoobe.

DF Somalia weli kama aysan hadal xiisada taagan markii laga reebo Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Kismaayo oo sheegay in Axmed Madoobe oo raali ka yahay colaada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com