DF Soomaaliya oo soo saartay ciidamo cusub oo aan horay loogu arag magaalada MUQDISHO !!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wadooyinka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgooysyada waaweyn lasoo dhoobay Ciidamo ka tirsan DF Somalia kuwaasi oo aan horay loogu arag magaalada Muqdisho.

Ciidamadaasi ayaa ka tirsan Booliska Somalia, waxa ayna labis iyo howl ahaan ka duwan yihiin kuwa Booliska, kuwaasi oo wata dhar xiran oo aan jirkooda laga dhex arkeynin.

Ciidamadaasi ayaa waxaa qalabeeyay Dowladaha saaxiibada la ah Somalia, waxa ayna u muuqaal egyihiin kuwa loo yaqaan Alpha Group ee hoostaga Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia.

Ciidamadaani cusub ee ka tirsan Booliska ayaa waxa ay ka qeybqaadanayaan xaqiijinta Amaanka Xarumaha DF Somalia ee lagu qaadayo Imtixaanada.

Ciidamada ayaa waxa ay u qeybsamaan laba qeyb qeybta koowaad waxa ay ku sugan yihiin Isgooysyada, halka qeybta labaadna ay sameynayaan roondo oo ay ku marayaan dhamaan xarumaha uu ka socdo Imtixaanada Dowlada.

Geesta kale, Ciidamadaani cusub ayaa waxaa dhowr bil ka hor lagu soo bandhigay xarunta weyn ee Booliska balse waxa uu howlgalkoodu noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay ka sameeyan Magaalada Muqdisho markii laga reebo halka mar oo ay xarunta Booliska ku sameeyen dhoolatuska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com