Nuur Faarax “Qasnada DF Somalia cidii lacag ka bixisaa iyada ayaan su’aal ka weydiin doonnaa’’!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Nuur Faarax Jimcaale oo ah Hanti dhowrka Qaranka Somalia, ayaa si qoto dheer uga hadlay go’aan maalmihii lasoo dhaafay kasoo baxay Xafiiskiisa.

Mar uu la hadlaayay Warbaahinta, ayaa waxa uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay amarkii ahaa inaan Qasnada DF Somalia laga saari karin dhaqaalaha ku jiraa ilaa sabab loo keena ujeedka dhaqaalahaasi loo bixinaayo iyo halka ay ku dhacayaan.

Waxa uu sheegay in ujeedka amarkaasi uu ahaa mid lagu xadidaayo Hantida Qaranka keydka u ah, waxa uuna sheegay in muddo ku dhow Seddex bil aysan DF Somalia si toos ah u helin dhaqaalihii kaga imaan jiray Caalamka, sidaa awgeedna loo baahan yahay in la xakameeyo dhaqaalaha ku jira Qasnada DF.

‘’Ujeedku waxa uu ahaa inaan xakameyno dhaqaalaha Qasnada ku jira, waayo DF Somalia waxaa qasnadeeda kusoo dhacay 31-milyan oo dollar waxaan ku qasbanaanay inaan la socono qaabka lacagahaasi lagu bixinaayo waayo waxaan la socnaa in Shaqaalaha iyo Ciidamada dowlada aan dhowr bil lasiin mushaarkooda hadana waxaa baxa dhaqaalihii bixi jiray’’

Wuxuu sheegay in xafiiska Hanti dhowrka Qaranka uu si cad u mamnuucay in Qasnada Dowladda lagala baxo lacag, ilaa laga sababeeyo dhaqaalahaasi lala baxaayo, oo lagu saleeyo hadba baahida jirta, waxa uuna taasi u sababeeyay dhaqaala xumida taagan iyo sida ay usii kordheyso duruufaha kala duwan ee heysta shaqaalaha Dowlada.

Waxa uu tilmaamay in isla xisaabtanka uu yahay kaliya mida heerka Qaran lagu gaari karo, hadii taasi lawaayana ay dhaceyso in ruux waliba uu ku dhaqaaqo waxa isaga la quman taasina aysan suuragal aheyn.

Haddalka Hanti dhowrka Qaranka Somalia Nuur Faarax Jimcaale, ayaa imaanayo iyadoo madaxda Qaranka ay si aad ah ugu tagri falayaan dhaqaalihii loogu talo galay in lagu maareeyo Shaqaalaha iyo Ciidamada Dowlada, waxaana xusid mudan in DF Somalia muddo Afar bil aysan bixin wax mushaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com