DHAGEYSO: Jubbaland oo ka hadashay gubidda calanka Soomaaliya iyo aqoonsiga SOMALILAND

Kismaay (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay warar maalmahaan soo baxayay oo ku aadan in magaalada Kismaayo lagu gubay calanka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba Cabdulaahi Sheikh Ismaacil Fartaag oo saxaafada kula hadlay gobolka Gedo ayaa beeniyay in Kismaayo lagu gubay calanka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in calanka Jamhuuriyada Soomaaliya ay aamisan yihiin iney iyaga leeyihiin ayna marnaba dhaceynin in lagu gubo magaalada Kismaayo, wararkaasina ay faafiyeen dad cadow uu ku tilmaamay.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday hadal kasoo yeeray wasiir ka tirsan maamulka Jubba oo ahaa iney aqoonsadeen maamulka Somaliland, isagoo arintaasi been abuur ku tilmaamay.

Wuxuu sheegay iney ka warhayaan wasiirka sidaasi sheegtay, laakiin raali gelin ayuu arintaasi ka bixiyay isagoo sheegay ineysan kala dhantaaleynin midnimada ummada Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com