Xog: Liiska shuruudaha ay Ahlu-Suna hordhigtay wafdiga wasiir Odowaa + Shuruudaha dowladda

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kooxda Ahlu Sunna ee ku sugan Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaa shuruudo ku xirtay inay ka mid noqdaan maamulka loo dhisayo Gobolada dhexe ee Soomaaliya, kadib wadahadallo u bilowday Garabka Ahlu Sunna iyo wafdiga wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Odowaa oo maalintii Axadii gaaray Dhuusamareeb oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in kooxda Ahly sunna ay dooneyso kaalin muuqata oo ay ku yeeshaan maamulka gobolada dhexe, waxayna arrimaha ay dalbaden ka mid:

1. In lana siiyo jagada madaxweynaha maamulka la dhisayo ee gobolada dhexe.

2. In la siiyo lacag magadhow ah oo dowladda federaalka hore ugu balan qaaday oo dhan 5 Milyan oo Doolar.

3. In maleeshiyooyinka Ahlu sunna loo qoro xuquuq mushaar ah

4. Inaan caasimadda maamulka cusub lagala noqon Dhuusamareeb

Dhinaca wafdiga wasiirka arrimaha gudaha ayaa iyaguna doonaya  qodobada soo socda:

1. In Ahlu-sunna ay banneyso magaalada Dhuusamareeb

2.In gebi ahaan la joojiyo colaada

3. Inay ku soo biirto shirka Cadaaado shuruud la’aan

Wahadalka labada dhinac ayaa weli socda iyadoo ay muuqato debecsanaan weyn oo dhinac Ahlu sunna ah, waxaana la filayaa in is afgarad cusub ka soo baxo wadahadalka labada dhinac uga socda magaalada Dhuusamareeb.

Dhageyso codka wasiirka Arrimaha Gudaha