“Xeer ilaaliyaha qarankow Axmed Madoobe naga qabo” Waxaa sidaasi yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah waxgarad iyo odayaal kasoo jeeda Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa dacwad ka gudbiyay Axmed Madoobe iyo maamulkiisa.

Waxgaradka oo saxaafada la hadlay ayaa soo bandhigay tacadiyada ciidamada maamulka Jubba ay ka geysteen magaalada Kismaayo oo ay sheegeen in lala eegto beelo gaar ah oo ku sugan magaalada Kismaayo.

Odayaasha ayaa ugu baaqay xeer ilaalinta qaranka, xubnaha baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxda ugu sareyso dalka Soomaaliya iney maxkamad soo taagaan Axmed Madoobe oo lagula xisaabtamo xasuuqa ka dhacay Kismaayo.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa waxaa sidoo kale lagu eedeeyay haween u xirnaa oo markii dambe Meydkooda laga haley xeebta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Marar badan maamulka Axmed Madoobe ayaa beeniyay iney ku luglahaayeen dhibaatooyin beelo gaar ah loogu geystay magaalada Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com