Wasiir yaab ay ku noqotay in xukuumadda cusub ee Puntland uu soo galo isaga oo sheegay in…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas ayaa gelinkii danbe ee shalay isku-shaandheyn ku sameeyay golaha wasiirada xukuumaddiisa, iyadoono wasiiro cusub xilal loo dhiibay kuwo kalena laga qaaday.

Mid ka mid ah Wasiirada cusub, gaar ahaan Wasiirka Deegaanka Cali Cabdullaahi Warsame oo xilkaas loo Magacabay ayaa ayaa sheegay inay la yaab ku noqotay xilka uu Madaxwayne Gaas u magacabay.

Cali oo howlo shaqo u jooga Nairobi ayaa khadka talleefoonka ugu sheegay Warbaahinta inaan lagala tashan xillaas cusub isla markasna uusan ku qanacsanayn, Wuxuu hadalka ku daray inuu shaqo UN-ka ah u jooga Nairrobi.

“laygalama tashan mana Ogeyn mana u baahni hadda Xilkaas, mana weydiisan Madaxweynaha Puntland, qoladiina Saxafadda bal weydiiya cidda Magacaygayga ku soo qortay liiskaas” ayuu yiri Cali Ca/llaahi Warsame.

Mr Cali  wuxuu u sheegay Weriyeyaashi uu la hadlay in uu la yaabay markuu Magiciisi uu ku dhex arkay Gollaha Cusub, taas waxay muujinaysa in xitaa aan lagu oran Wasiir ayaa laga dhigaya.

Siyaasi Cali Cabdilaahi Warsame oo ka soo jeeda Gobalka Mudug ayaa Xukumaddi Faroole ka soo noqday Wasiirka Caafimaadka.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com