Sawirro: Fadeexad kusoo baxday ciidanka Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Booliska Dowlada Kenya ayaa gacanta lagu dhigay iyaga oo qaadanaayo lagaco laaluush ah.

Ciidamada la qabtay ayaa waxa ay ka howlgalaayen Deegaanka Lamu oo inta badan uu ka dhaco weerarada ugu badan, waxaana ciidamadaasi la arkay iyaga oo dad shacab ah ka qaadayo lacagtaasi sharci darada ah.

Ciidamada la qabtay ayaa tiro ahaan gaaraya ilaa shan kuwaasi oo loo kala gudbiyay Seddex xarun, halkaasi oo lagu baarayo.

Goobta lagu soo bandhigaayay Ciidamadaasi laaluushka qaadanaayay ayaa waxaa joogay saxafiyiin ka howlgaleysay Wargeysyada iyo Telefeshinada dalkaasi.

lama garanaayo waxa uu xukunka Ciidamadaasi noqon doono, waxa uuna qabashadoodu ku soo beegmayaa iyadoo 70% Ciidamada Kenya ay yihiin kuwo lagu eedeeyo inay qaatan laaluush joogta ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com