Xog: Shariif Xasan oo looga yeeray Addis Ababa

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar leysku haleyn karo oo aan ka heleyno dhanka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka looga yeeray Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Wararku waxa ay sheegayaan in sababaha Shariifka loogu yeeray uu la xiriiro Khilaafyada kala dhexeeya Maamulka Jubbland.

Shariif Xasan ayaa dhowr jeer oo sii horeysay warbaahinta maxaliga ah ka dhaleeceeyay maamulka Jubaland arintaasi oo khilaaf ka dhex abuurtay labada maamul,waxaana la aaminsan yahay inuu lug wayn ku lahaa Mooshinkii ka dhanka ahaa Jubaland ee la mariyay BF Somalia.

Dowlada Ethiopia ayaa xiriir dhow la leh labada maamul ee Jubaland iyo Koonfur galbeed waxa ayna sida wararku sheegayaan ku guda jirtaa sidii ay u xalin lahayd khilaafka udhaxeeya labada maamul.

Safarka Shariif Xassan kadib ayaa waxaa Addis ababa gaari doona Hogaamiyaha Maamulka Jubland Axmed Madoobe oo isna wax laga weydiin doono kaalinta uu ka geystay curashada Khilaafka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com