Qarax gaari oo goor dhow ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ka dhashay gaari NOHA ah oo la sheegay inay ka shakiyeen ciidamada ammanaka, kadibna ay ku fureen rasaas xoogan.

Intaasi kadib ayaa waxaa mar qura qarxay gaariga, kaas oo dhawaqiisa laga maqlay inta magaalada Muqdisho.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, waxaana goobta gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ay ciidamadu xireen dhaq dhaqaaqa qeybo ka mid ah waddada aada dhanka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hose.

Wixii soo kordha kala soco caasimada.net

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com