Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Buuloburde

Buuloburde (Caasimada Online) – Warar naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhoweyd  qarax xoogan uu ka dhacay bartamaha degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay afarta gees ee magaaladaasi.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay suuq lagu iibiyo hilibka oo ku yaalla xaafadda Indho-ceel ee degmada Buuloburde.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa uu ahaa is-miidaamin, isla-markaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa goobta, waxaana haatan socda gurmad deg deg ah.

Ugu yaraan illaa 6 qof ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 15 kale, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Buuloburde oo faahfaahin ka bixiyay qaraxaasi.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo iyaguna howlgallo ka bilaabay halkaasi.

Buuloburde ayaa kamid ah degmooyinka ay ka socdaan abaabulka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxaana ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa indhowaanahaan weeraro ku heysay shacabka gobolka Hiiraan, waxayna aheyd maalmo kahor markii weerar is-miidaamin ay ka fuliyeen Beledweyne.

Si kastaba, Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda dalka, gaar ahaan HirShabelle iyo Galmudug, kaas oo lagu jabiyay Al-Shabaab.