Faah-faahin: Qarax ka dhacay agagaarka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoog leh oo gabal dhicii ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, gaar ahaan meel u dhow albaab laga galo xerada Xalane oo xubnaha beesha caalamka ay degan yihiin.

Sida aan xogta ku helnay, qaraxa ayaa ka dhacay Bar kontorool oo laga galo Xalane, sidoo kalen u dhaw xerada Jeneraal Gordon.

Sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal, waxaa qaraxa lala beegsaday maqaayad ku dhow meel lagu qaado canshuurta dowladda hoose, balse weli ma cadda nooca uu ahaa qaraxa, inkasta oo warar horudhac ah ay sheegayaan inuu ahaa is-miidaamin. 

Ciidamada ammaanka ayaa xiray guud ahaan wadooyinka soo gala goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana loo diiday saxaafadda inay gudaha u gasho, saraakiil goobta tagtay ayaa xaqiijisay in khasaare badan uu ka dhashay qaraxa, kaas oo soo gaaray askartii la beegsaday iyo weliba dad shacab ah.

Weli ma cadda tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay qaraxaas, hey’adaha ammaankana kama soo saarin wax war ah.

Qaraxa ayaa imanaya toddobaad kadib markii Caasimada Online ay shaacisay xog ku saabsan digniin kasoo baxday xafiisyada amni ee ay hay’adaha ajnabiga ah ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo sirdoonka Soomaaliya, oo ku saabsaneyd inay Muqdisho ka dhici kaaraan weeraro culus.

Xogta ay bixiyeen khubarada amniga, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysay in weerarada qaraxyada ah ee laga cabsi qabo ee ka koobnaan; kara rag soo xirtay jaakadaha qarxa, gaadiid qaraxyo ah iyo qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee badanaa lagu dilo wadaha gaariga.

Halkan ka aqri xogtii iyo digniintii aan bixinay 7-dii September.