Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho(Caasimada Online)-Wararka aan ka helayno Degmada Hodan ee Gobalka Banaadir, gaar ahaan meel ku dhaw Isbitaalka Masaarida ee ku yaala Degmadaasi, ayaa waxa ay sheegayaan in goordhaweyd halkaasi uu ka dhacay Qarax lagu xiray gaari Kaarib ah oo uu saarnaa Sarkaal Dowladda ka tirsan.

Gaarigaan ayaa marayay Isbitaalka Masaarida hortiisa, waxaana wararka ay sheegayaan in la qarxiyay xilli uu socday gaariga, iyadoo ay saarnaayeen Sarkaal la sheegay inuu gashnaa Tuutaha ciidanka Milateriga, halka ninkii darawalka ahaana uu dhaawac soo gaaray.

Waxaa geeriyooday Sarkaalka gaariga saarnaa oo markii uu gaariga qarxay durba goobta ku nafbaxay, iyadoo ninkii darawalka ahaa ee gaariga waday isaga oo dhaawac ah goobta laga qaaday.

Ilaa hada nooma aysan suuragelin inaan helno magaca Sarkaalkaasi gaariga lagu qarxiyay iyo qeybta uu ka qaabilsan yahay ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho, ayaa maalmahan waxaa kusoo badanaya qaraxyada noocaan ah ee gaadiidka lagu xiro, waxaana tan iyo Ramadaanka markii uu biloowday qaraxyada noocaan ah lagu dilay dad badan oo Dowladda la shaqeynaye.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com