Xog: Wiil uu dhalay Axmed Diiriye Cali oo shalay magaalada Muqdisho lagu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wiil uu dhalay Nabadoon Axmed Diiriye Cali, ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay lagu dhaawacay Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir, iyadoo ay dhaawaciisa geysteen ilaa laba nin oo bistoolado ku hubeysneyd.

Ninkaan, ayaa waxaa lagu weeraray Isgoyska Cali Kamiin, xilli la sheegay in uu ku sii jeeday hoygiisa, waxaana dhowr xabadood looga dhuftay qaybaha sare ee jirkiisa.

Isagoo dhaawac culus qaba, ayaa waxaa lagula cararay goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, waxaana la soo sheegayaa in xaaladiisu tahay mid adag.

Waxaa soo baxaaya in uu ka tirsanaa Taliska Minishiibiyadaha ee Maamulka Gobolka Banaadir, isla-markaana uu ka hawlgeli jiray Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Laakiin nin ay ehelo yihiin, ayaa waxa uu beeniyay in uu ka tirsanaa Dowladda, isagoo taasi bedelkeedana sheegay inuu ka shaqeeyo shirkad nadaafada ka shaqeysa, oo Xarunteedu tahay Bakaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com