Mooshinkii Xasan Sheekh oo dib usoo cusboonaaday iyo fursad dahabi oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Olole siyaasadeed ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar qura xalay kasoo cusboonaaday magaalada caasimada ah ee Muqdisho, xilli madaxweynaha shalay ay u ahayd maalin aad u xun.

Xildhibaanno badan oo kasoo horjeeda madaxweynaha, ayaa xalay ku shirayay magaalada Muqdisho, kadib warbixintii guddiga cuna-qabateynta QM u qaabilsan Somalia iyo Eritrea ee shalay, oo shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu isku dayayey lunsashada hanti qaran. Halkan ka arag.

Xildhibaanada shirayay ee mucaaradsan Xasan Sheekh, ayaa is-weydiinaya sida ay uga faa’ideysan karaan eedeymaha loo soo jeediyey madaxweynaha, oo ay u arkaan fursad ay mar kale xilkiisa qal qal ku gelin karaan.

Waxaa sidoo kale ku jira qaar doonaya inay mar kale madaxweynaha ka helaan lacag badan, oo uu isaga aamusiyo, sidii dhacday dhowr bil ka hor markii ay dalbadeen inuu xilka iska casilo.

Xildhibaannada ku shiraya hoteelada Muqdisho, ayaa qaarkood u sheegay Caasimada Online in markan ay haystaan fursad wanaagsan, maadaama ay ololahooda taageero uga heli karaan beesha caalamaka.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa xubno ku dhow iyo xildhibaanno taageersan ku qaabilaya Villa Somalia, asaga oo kala tashanaya xaaladda cusub ee soo korartay.

Madaxweynaha ayaa laga soo xigtay in warbixinta UN Monitoring Group ay tahay mid aan sal iyo raad lahayn, ayna qeyb ka tahay olole ay dalalka deriska ah iyo qabaa’ilo gaar ah asaga ku hayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com