Xog cusub: Xasan iyo Saacid waa ay is og yihiin + Cabdiweli oo jah-wareersan

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa shalay werisay in aliyihii ciidamada booliiska ee xilka laga qaaday Gen Cabdi Xakiin Daahir Siciid (Saacid), uu diiday in uu xilka ku wareejiyo Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliiska uu dhawaan soo Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Diidamada Gen. Saacid, ayaa lagu warramayaa inuu u cuskanayo dastuurka Soomaaliya, sidaa darted uu sheegay inaysan sharci ahayn tallaabadii uu qaaday ra’iisul wasaare Saacid.

Dastuurka Somalia, ayaa qaba in madaxweynaha uu lee yahay magacaabista taliyayaasha ciidamada, hase yeeshee waxaa taas ka tillaabsaday ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo General Saacid ay is og yihiin, uuna la qabo diidmada ah inuusan xilka wareejin.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha oo iska ilaalinaya inuu si cad uga hortago Cabdi Weli, uuna abuuro khilaaf cusub uu Saacid u sheegay inuu diido wareejinta xilka, una ballan qaaday in isaga uusan xilka ka qaadi doonin.

Arrintan cusub, ayaa jah-wareer ku abuurtay ra’iisul wasaaraha, oo ninkii ina-adeerkiis ahaa ee uu xilka u magacaabay weli xilka la wareegi la’ yahay.

Cabdi Weli, ayaa kadib weerarkii labaad ee Villa Somalia, waxa uu xilka ka qaaday taliyayaasha nabad sugidda iyo ciidamada booliiska, waxaana uu Saacid ku beddelay Geen. Maxamed Xasan.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa bilihii u dambeeyey waxaa cadaadis xooggan ku hayey dalalka deriska iyo Nicholas Kay, kuwaasi oo ka maroojiyey awoodiisa una gacan geliyey ra’iisul wasaaraha, oo ayaga ku xiran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com