Qarax xooggan oo gilgilay Muqdisho iyo qiica hawada qabsaday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax aad u xoogaan ayaa goor dhaweyd gilgilay Magaalada Muqdisho iyadoo qiica iyo holaca laga arkayo qeybo badan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeyso Guriga Hooyooyinka iyo Tiyaatarka Qaranka.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegayo inuu qaraxaan geystay Khasaaro aad u badan oo isugu jiro dhimasho dhaaawac iyo burbur.

Qaraxaan ayaa waxaa fuliyey baabur qarax laga soo buuxiyey oo aan la qiyaasi karin awoodiisa

Lama ogol ilaa hadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay balse wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doona Inshaa Allah.