Sawiro: Shirka qaran ee dhallinyarada Puntland oo ka furmay Garowe

Garoowe (Caasimadda Online) – Waxaa maanta si rasmi ah Magaalada Garoowe uga furmay shirka qaranka Dhalinyarada Puntland oo si heer sare ah loo soo diyaariyey sanadkaan.

Shirkaan ayaa la filayaa inuu socdo muddo 3 Bereri ah waxana kasoo qeyb galay dhallinyaro iyo madax ka socotay maamulka Puntland.

Haddaba waxaa warbixin kasoo saartay kulankaas hey’adda USAID, wuxuuna u qornaa warsaxaafadeedka sida hoos ku qoran:

Shirka qaranka dhallinyradda Puntland 2017

“In dhallinyaradda lagu xoojiyo waxbarsho si isbedel loogu sameeyo bulshada”

21ka Maarso 2017, saddex boqol oo dhallinyaro ah kuwaas oo kala matalaya ururo dhallinyaro oo sagaal gobol ah guud ahaan ayey Puntland Garowe ugu qaban doontaa shirkii ugu horreeyey oo ay yeeshaan dhallinyaradda qaranka Puntland iyada oo kaashaneysa Wasaaraada shaqada, dhallinyaradda iyo cayaaraha ee loo soo gaabiyo (MOLYS), daladda dhallinyaradda Puntland ee (PYAN) iyo hay’adda Mareykanka ee horumarinta caalamiga ah USAID.

Dhacdadan saddexda maalmood ah waxaa lagu soo bandhigi doonaa caqabadaha iyo ahmiyadaha dhallinyaradda Puntland iyo sidoo kale istaraatijiyad qaadaneysa laba sano,Shirka waxa uu ka dhici doonaa Hoolka Jaamacadda Bariga Africa waxaana gudoomin doona Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wasiirka Shaqada, dhallinyaradda iyo Cayaaraha Cabdiraxman Shiikh Maxamed.

USAID waxa ay ku faraxsantahay in ay MOLYS iyo PYAN kala shaqeyso dhacdadaan ,Tyler Beckelman oo ah agaasimaha USAID xafiiska Somalia waxa uu yiri: “Waxaan ku faraxsanahay in dhallinyaradda Puntland ay qaaten lahaanshaha mustaqbalkooda. Waxaan sugeynaa in aan dhageysanno ahmiyadahooda iyo sida aan u caawin karno si aan uga dhigno kuwo wax wanaagsan ka sameyn kara horumarinta dalka.”

“PYAN waxa ay soo qaban qaabisay tiro shirar ah iyo goobo arimahan looga doodo oo ay qeyb ka tahay madadaalada heesaha, gabayadda iyo ruwaayadaha ka hadlayey ahmiyadda dhallinyarada, shaqo la’aanta iyo halista tahriibka.

Dhallinyaraada ay da’dodu ka yartahay 30-ka waxa ay bulshada Soomalida ka yihiin 70% halka shaqo la’aanta haysata ay joogto 67%, shantii sano ee la soo dhaafay mashruuca waxbarashada ee dhallinyaradda USAID ee Somalia  (SYLI) waxa uu taageeray wasaarada waxbarahsada iyo hadafkeeda ah  ballaarinta waxbarashada dugsiyada sare  iyo kordhinta ka qeybgalinta dhallinyarada arimaha bulshada fursadaha ka yimaada ee Puntland, SYLI waxa ay sare u qaaday helitaan loo siman yahay oo waxbarashada dugsiyada sare oo ay ka faa’ideysteen ku dhawaad 9,000 oo arday , gaar ahaan gabdhaha, waxa ayna taageereen dugsiyada sare iyaga oo abuuray goobo waxbarasho oo nabada.Barnaamijkan waxa uu dhaqan celiyey ama dhisay 62 fasal iyo 41 dhimse oo ay ka mid yihiin goobo ay jinsiga si saaxiibtinimo ah ay isugu dhexgalaan, agabyo wiilasha iyo gabdhaha, waxa ay sameysay oo ay xoojisay 129 gudiyo bulsho oo waxbarasho ah.

Waxa ay tababartay in ka badan 557 macallin oo ay dheertahay  ku dhawaad 7,000 oo ka qeyb galay arimaha bulshada  oo ay dhacdooyinkaas maalgalisay USAID. SYLI waxa ay taageertay yegleelidii PYAN ee bishii Oktoobar 2015 taas  oo ay maanta xubno ka yihiin in ka badan 2,000  oo ka soo kala jeeda daladdo 10 gobol ah.

Wixii faah faahin dheeri ah fadlan kala xiriir ofarah@mercycorps.org or visit https://www.usaid.gov/Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com