Sawirro hordhac ah oo laga helay qaraxii tiyaatarka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar Ismiidaamin ah ayaa waxaa uu goor dhow ka dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada Somalia, iyadoona qaraxan uu ka dhashay gaari caasi ahaa oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gaarigan, ayaa waxaa uu ku qarxay afaafka hore Xaruntii Golaha Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre, oo kaabiga ku haysa Aqalka Madaxtooyada.

Gaariga Ismiidaaminta lagu fuliyay ayaa ka imaaday dhanka Isgooyska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in Wadaha Gaariga uu Qaraxa Ismiidaaminta ah fuliyay kadib markii ay kusoo xoomeen Ciidamada Milliteriga ee Koontaroolka ku sugnaa.

Dad goobta ku sugnaa ayaa sheegay in qaraxaasi lagu soo aadiyay, xilli saxmad badan ay ka jirtay halkaasi, isla markaana ay ku sugnaayeen dad farabadan oo isugu jira Mas’uuliyiin iyo Shacab oo ku sugnaa goobta baaritaanka.

Qaraxu wuxuu ku soo aadayaa, xilli duhurnimadii maanta uu Ra’iisal Wasaaraha Somaliya soo magacaabay Golihiisa Wasiirada.