Dowladda cusub: Xukuumaddii ugu tayada iyo aqoonta badneyd

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhabeeyey ballan-qaadyadii ay horey u sameeyeen isaga iyo madaxweyne Farmaajo ee ahaa inay soo dhisi doonaan dowlad tayo leh oo ay shacabku leeyihiin.

Liiska wasiirada maanta la magacaabay, ayaa kadib baaritaan ay Caasimada Online sameysay waxaan ku ogaanay inay dhammaantood yihiin dad aqoon iyo karti leh, gudan karana xilka lagu aaminay.

Ilo ku dhow madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa labaduba xaqiijiyey in dhammaan wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha cusub uu midkiiba haysto ugu yaraan shahaadada bachelor, ama heerka koowaad ee jaamacadda.

Waa markii ugu horeysay taariikhda ee dhammaan wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay noqdaan kuwo lagu soo xulay aqoon, oo haysta shahaado jaamacadeed iyo karti shaqsiyeed.

Wasiirada dowladihii hore ayaa waxaa ka buuxi jiray shaqsiyaad lagu soo xulay saaxiibnimo, oo qaarkood aanay waxbarashadooda dhaafsiiisneyn heerka dugisga sare.

Dowladda cusub, ayaa waxa ay sidoo kale kaga duwan tahay dowlidihii hore in madaxweynaha uusan faro-gelin ku sameyn, ayada oo dhammaan wasiirada aanu ku jirin qof madaxweynaha ku dhow ama saaxiib la ah, balse lagu keenay karti iyo aqoon.

Waxaa muuqata in madaxweynaha uu ka dhabeynayo halku dhiggiisii ahaa “danta dalka iyo dadka” iyo diinta oo uu ku dhaartay.

Dowladda cusub ayaa la rajeynayaa inay gudato waajibaadka ka saaran shacabka, waxaana rajadu tahay in madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo wasiiradaba isla dhameystaan afarta sano, haddii aanay dhicin waxyaabo keena is-beddel qasab ah sida geeri ama is-casilaad.

Mustaqbalka cusub ee Soomaaliya u ifaya ayaa si xowli ah ku socda, waxaana muuqata in aaminaadda shacabka ay siiyeen madaxweyne Farmaajo uu kasoo baxay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com