Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay meel aan ka fogeyn garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, oo ay ka socdaan ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
Wararka hordhaca ah ee helayno ayaa sheegaya in qof naftii hallige ah uu is-qarxiyay, kadib markii ciidamada ay ka shakiyeen, uuna diiday inay baaraan.
Ciidamada ammaanka ayaa ninka qaraxa isku soo xiray ku joojiyay inta u dhaxaysa isgoyska Cali Kamiin iyo Laba Dhagax.
Shaqsigaan oo doonayay in uu dadka shacabka dhibaateeyo ayaa kadib markii ciidanku ka shakiyeen is-qarxiyay, sida aan ku helayno wararka.
Qaraxaan ayaa lasoo warinaya inuu ka dhashay khasaare kala duwan, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.
Wixii faah-faahin ah ee kasoo kordha isha ku hay Caasimada Online.

