Qaraxyo is-miidaamin ah oo ka dhacay MAXAAS

Maxaas (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya laba qarax oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha degamada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo jugtooda si weyn looga maqlay magaalada oo dhan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyadaan ay ahaayeen kuwa ismiidaamin ah isla-markaana loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaraxyadan lala beegsaday xarumo muhiim ah oo ku yaallo gudaha magaaladaas, isla-markaana maqaayado lagu qaxwweyo iyo goobo ganacsi.

Sidoo kale waxaa lasoo wariyay inay jirto dhimasho, dhaawac iyo burbura ka dhashay qaraxyadaas oo gilgilay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada oo ku aadan dhacdadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay Maxaas ka bilaabeen howlgallo, kadib weerarka ka dhacay halkaasi.

Al-Shabaab ayaa dhinaca kale sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxana shaacisay in ay la beegsatay askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Weeraradaan waxay ku soo aadayaan, xilli ay haatan howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan oo inta badan laga saaray Al-Shabaab.

Si kastaba, kooxda ayaa horay sidaan oo kale qaraxyo waa weyn uga fulisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayada oo uga jaawabeyso duulaanka ay ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.