Xog: Kooxda Al-Shabaab oo dadkii deganaa ka saareysa degmada Ceeldheer

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay amar ku soo rogtay dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa degmadaas.

Kadib markii ciidamada xoogga dalka ay maalin ka hor Al-Shabaab ka saareen degaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud cabsi badan ayaa soo wajahday kooxda.

Dadkii ku noolaa degmada Ceeldheer oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee weli gacantooda ku jira ayaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku amreen inay ka baxaan magaalada.

Ceeldheer oo ah magaalo ku taalla xeebta badweynta Hindiya waxaa hadda ka socda barakac ay sameynayaan dadkii ku noolaa degamaas oo sanado badan ay Al-Shabaab xukumayeen.

Inkastoo aan si rasmi ah loo cadeyn sababta ay Al-Shabaab u barakicinayaan dadka shacabka ah ee ku nool degmada Ceeldheer, hadana waxaa jira warar sheegaya in kooxdu ay qorsheyneyso inay baneyso degmadaas.

Ciidanka xoogga dalka oo duulaan ah ayaa ku wajahan Ceeldheer oo la qorsheynayo in maalmaha soo socda laga xoreeyo kooxda Al-Shabaab, waxayna warar soo baxaya sheegayaan in Al-Shabaab aysan ku dagaalami doonin magaaladaas oo ay isaga bixi doonaan.

Al-Shabaab waxaa la sheegay in ciidanka xoogga dalka aysan u babac-dhigi karin hadii ay kula dagaalamaan Ceeldheer oo ah magaalo ku taalla dhul Deex ah oo banaan, isla markaana aan laheyn howd la gabaadsado.

Sababta ay u barakicinayaan dadka waa inay ka badbaadaan duqeynta diyaaradaha dagaalka ee garab siinaya ciidanka xoogga dalka, iyagoo doonaya in shacabka ay u kaxeystaan dhulka howdka ah, si aan loo duqeyn.

Ugu yaraan labadii bilood ee u dambeysay Al-Shabaab waxay isaga cararayeen deegaan ama degmo kasta oo lagu weeraro, iyagoo aan dagaalamin, waxaana xusid mudan in diyaaradaha dagaalka oo aad uga taxadaraya inay shacabka dhibaato gaarsiiyaan ay kooxda ku duqeeyaan dhulka howdka ah ee gabaadka ay ka dhigtaan.

Beegsiga diyaaradaha ayaa ka dhigan in aysan jirin meel ay Al-Shabaab ku badbaadayaan, waxayna meelaha qaar naf ka dayaan inay shacabka horay u kaxeystaan, si aan loo duqeyn oo shacabka dartiis loogu dhaafo.