Shabaab badan oo galabta lagu dilay Hiiraan iyo dagaalka oo ku fiday galbeedka

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay degaan lagu magacaabo Buq-Goosaar oo hoos taga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay dagaalyanao ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Ugu yaraan 10 Shabaab ah ayaa maanta lagu dilay deegaankaas, kadib markii ay weerareen ciidanka dowladda oo garab ka helaya xoogagga hubka qaatay ee deegaanka.

Deegaanka Al-Shabaab lagu weeraray ee Buq-Goosaar ayaa dhinaca galbeed ka xiga magaalada Beledweyne, waxaana halkaas si buuxda ula wareegay ciidanka xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka.

Idaacadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo soo xiganeysa Taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa baahisay in meydadka 10 dagaalame iyo 5 qori oo AK47 ah ay Al-Shabaab goobta uga carareen.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka howlgalka ka socda HirShabeelle ee Al-Shabaab lagu soo afjarayo ayaa hadda ku fiday galbeedka gobolka Hiiraan.

Inta badan deegaanada dhaca galbeedka wabiga Shabeelle ee gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee HirShabeelle waxaa weli ku sugan Al-Shabaab, waxaana lasoo sheegayaa in howlgalladu ay hadda ku fideen qeybo ka mid ah galbeedka HirShabeelle.

In galbeedka loo jiheeyo ciidanka waxay ka dambeysay markii Al-Shabaab laga faro maroojiyey guud ahaan degmooyinka HirShabeelle, kadib howlgallo culus oo dhacay bilihii iyo todobaadyadii u dambeeyey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe bilowday inay isaga cararto goobaha ay joogaan markii lagu weeraro, iyagoo aan dagaalamin – Ma xeelad militeribaa, mise tabar yari ay wajahayaan? Ma jirto cid ka jawaabtay weli su’aashaan.