Muuse Biixi oo sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sameeyey xil ka qaadis iyo magacaabis, kadib wareegto uu ku soo saaray faafinta rasmiga ah.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka looga qaaday Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta, Cabdillaahi Abokor Cismaan.

“Sunnaha Dawladnimo ayaa ah in uu xilku meerto yahay. Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aamiyay in aan kaa qaado xilkii Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad Qaranka u soo shaqaysay.”

Xilkaan ayuu Biixi u magacaabay Mustafe Maxamuud Cali Bile (Godane) oo uu ka soo beddelay Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale waxa uu Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) laga bilaabo taariikhda maanta u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wareegtada madaxweynaha ayaa lagu xusay in uu la-tashiyo kala duwan ka sameeyay magacaabista masuuliyiinta cusub, uuna arkay aqoontooda, kartida iyo waaya-aragnimadooda.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Muuse Biixi uu xilkii ka qaaday Wasiirkii hore Hawlaha Guud xilli uu gobolada Bariga ugu maqna kaambeyn doorasho, lamana oga sababta soo dadajisay xil ka qaadistiisa.