Guudlaawe oo farriin culus diray kadib qaraxyadii Maxaas

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudaalwe Xuseen ayaa war kasoo saaray qaraxyadii xooganaa ee saaka Al-Shabaab ay ka fulisay degmada Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa marka hore tacsi tiraanyo leh u diray ehellada ay dadkoodii ku dhinteen qaraxyadaasi, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay in aysan niyad-jebin doonin weeraradaasi, isla-markaana ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Khawaarijtu waa u dhqan in qaraxyo ay ku weeraraan goobaha ay isugu yimaadaan shacabka, marna kana ka niyad jabi doonno ciribtirka khawaarijta” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray madaxweynaha HirShabeelle.

Dhinaca kale wuxuu farriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo uu ugu baaqay inay u midoobaan Al-Shabaab, kadibna ay ka qayb qaataan dagaalka ka socdo gobollada dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa war kasoo saaray qaraxyadii saaka ka dhacay gudaha degmada Maxaas, isagoo ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay weerarkaasi.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelka dadkii ku naf waayay weerarka argagaxisadu ku qaaday dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Ilaahay SWT ha u naxariisto, dadka dhaawacyada soo gaareen waxaan u rajaynaynaa caafimaad deg deg ah, dadka hantidooda ku waayay beddel kheyr qaa Allah ha siiyo,” ayuu isna yiri madaxweyne hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Mid ka mid ah qaraxyadan waxaa lala eegtay guriga uu gudaha degmada Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana la sheegay in xilliga uu qaraxa dhacayey uu ka maqnaa gudaha guriga, halka qaraxaa labaad isna lagu dhuftay guriga guddoomiyaha maamulka degmada Maxaas Mudane Muumin Maxamed Xalane oo lasoo wariyay in uu badbaaday isku daygaasi dil.

Weeraradaan waxay ku soo aadayaan,  xilli ay haatan howlgallo culus ka socdaan gobolka Hiiraan oo inta badan laga saaray Al-Shabaab.

Si kastaba, kooxda ayaa horay sidaan oo kale qaraxyo waa weyn uga fulisay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayada oo uga jaawabeyso duulaanka ay ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo inta badan ka saara HirShabeelle.