Sawirro: Xasan Sheekh oo Muqdisho ka sagootiyey danjire Cabdifatax Cabdullahi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjirihii dowladda Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan.

Danjire Cabdilfataax waxaa u dhammaaday muddo xileedkiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Cabdifataax, doorka uu ka qaatay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, wuxuuna u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

Dhankiisa, Danjire Cabdifataax Cabdullaahi oo Madaxweynaha uga mahad-celiyey kulankaan ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Cabdifataax ayaa dowladda Soomaaliya ku amaanay sidii ay ula shaqeysay mudadii uu ahaa dinjiraha Muqdisho u joogay dowladiisa Itoobiya, isla markaana uu gudanayey waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed oo ay la leeyihiin dalalka caalamka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladiisu ay muhiimad gaar ah siineyso wanaajinta xiriirka wadamada gobolkaan Geeska Afrika, si danaha dadka Soomaaliyeed loogu gaaro iskaashi iyo wax- la qabsiga dalalka kale ee caalamka.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hadda leh xiriir wanaagsan, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh oo dib loo soo doortay uu la yimid dabacsanaan siyaasadeed oo dunida ay kula jaan-qaadi karto dowladiisa cusub.