Faah-faahinta qaraxyo caawa ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino hordhac ah ayaa laga helayaa qaraxyo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxa koowaad uu ka dhacay isgoyska Dabka, gaar ahaan agagaarka saldhigga booliska ee degmada Waaberi.

Qaraxaas noociisa wuxuu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay, waxayna ku jirtay Bac-madow, sida ay noo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa waxaa la dhigay banaanka hore ee meherad Jalaatada iyo Macmacaanka lagu iibiyo oo lagu magacaabo Aadan-neyntiin.

Ciidamada ammaanka ayaa ka war-helay in qaraxaas Meesha la dhigay, kadibna waxaa la xiray wadada, waxaa laga ag fogeeyey dadkii, kadibna waxaa la dalbay miino baar, balse inta uusan imaan miino baarkii ayey qaraxday.

Dadka aan la hadalnay waxay noo xaqiijiyeen in qofina aysan waxaba ku noqon qaraxa ka dhacay isgoyska Dabka, balse waxaa jira qaraxyo kale oo laga soo sheegayo qeybo ka mid ah magaalada.

Degmooyinka Yaaqshiid iyo Boondheere ayaa sidoo kale la sheegay inay wax ka dhaceen, balse ilaa hadda xog lagama helin khasaaraha iyo nooca qaraxyada ka dhacay.

Waxaa jira warar laga soo xigtay hey’adaha amniga, balse aan rasmi aheyn, kuwaas oo sheegaya in waxyaabaha qarxay ay yihiin dheemish, isla markaana aysan geysanin wax khasaare ah.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagayey maalmihii u dambeeyey waxaana meel kasta la dhigo ciidamo baaraya dadka iyo gaadiidka, dadaalka hey’adaha amniga ayaa Meesha ka saaray weeraradii Khawaarijta.

Wixii ka soo kordha qaraxyada Muqdisho ka dhacay kala soco Caasimada Online.