27.8 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Xamza oo isku shaandheyn ku sameeyay xukuumadiisa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa goordhoweyd isku shaandheyn ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada, taasi oo saameysay xafiiska ra’iisul wasaare ku-xigeenka 2-aad iyo laba wasaaradood.

Isku shaandheyntan oo warbaahinta uu la wadaagay Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa aheyd mid muddo dheer la hadal-haayay, taas oo ku soo dhammaatay saddex xubnood oo isla xukuumadda ku jiray oo xilalka loo kala beddelay.

Arrinta yaabka leh waxay tahay in saddexda xubnoodba ay isla xukuuumaddan ka soo qabteen illaa saddex wasaaradood oo ay isku shaandheyno kala duwan ku soo mareen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa wuxuu Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi u magacaabay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Cabdisalaan Dhaay ayaa sidoo kale waxaa loo magacaabay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Halka Amb. Axmed Macallin Fiqi loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Maxay ka dhigan tahay isku shaandheyntan?

Arrintan ayaa waxay bixineysa laba fasir, kuwaasi oo kala ah:

1. In isku shaandheynnadu ay yihiin kuwa ku salaysan jahwareer siyaasadeed.

2. In aanay madaxda sare heysanin dookh ka baxsan inta xukuumadda ku jirta.

Tan ayaa ka dhigan si kasta oo xubnaha golaha waxqabadkooda loo saluugana aysan madaxda sare haysan dookh ka duwan iyaga, halkii iyaga la beddeli lahaa boosaaska uun la isugu beddelayo — taas oo aanan meesha ka saaraan baahida joogtada ah ee loo qabo isbeddelka

- Advertisement -

Read more

Local News