Roobab wata duufaano oo ka da’ay meelo ka mid ah Somalia

Roobab wata duufaano xoogan ayaa ka billowday deegaano ka tirsan Waqooyi bari ee dalka Somalia, Warbixino laga helay dadka deegaanka ayaa sidaas sheegaya.

Roobka iyo duufaanta ayaa sababay in la damiyo qaar ka tirsan shirkadaha isgaasiinta iyo shirkadaha korontada qaarkood.

Digniino la xariira duufaan iyo roob ku soo fuul-leh qaar ka tirsan gobollada dalka Soomaaliya ayay maalmihii ugu dambeeyay soo saarayeen hay’adaha saadaasha hawada.

Duufaanta oo la yiraahdo Tropical Cyclone 4 waxaa la sheegayay inay soo dhex jibaaxayso masaafo 600 oo mayl koonfur bari gacanka Raas Caseyr tan iyo habeenkii Sabtida.

Degmada Bandarbeyla ayaa laga soo sheegayaa in galabta hal ruux uu ku dhaawacmay kadib markii dooni ku jirtay badda ay dabeylo ku burburiyeen, sida uu xaqiijiyey gudoomiyaha degmadaasi Siciid Maxamed “Anteeno”.

Waxay kaloo roobabka culus ay dul heehaabayeen degmooyinka Caluula iyo Baargaal iyo dhulka xeebaha ah ee ku dhow illaa xeebta ay ku yaallaan ee Badweynta Hindiya.

Duufaanta oo ku fool-leh dhinaca galbeed  ayaa sidoo kale la sheegay inay ku soconayso xawaare gaarsiisan 18 mayl saacaddiiba, laakin xoogeeda la filayo inay gaarto 63 meyl saacadiiba, oo u dhiganta 101 km saacaddii.

Sidoo kale degmooyinka Eyl iyo Garacad oo ka kala tirsan gobolada Nugaal iyo Mudug ayaa laga soo sheegayaa in roobabka ay isa soo xirxireen oo jawiga hawada ay dadku ka dareemayaan daruuro mugdi ah oo cirka isku shareeray. Garacad waxaa laga soo sheegayaa in mowjado hirar ah ay baddu bilawday iyadoo galabta badda lagu arkay iyadoo ka soo durugtey halkii ay joogtay shalay taasoo cabsi gelisay dadka ku nool degmada Garacad oo ah kalluumeysato.

Roob ka dhasha duufaantan ayaa la odorasay inuu maanta ka da’o qaybo ka tirsan deegaannada xeebaha ee Soomaaliya kuwaasoo socon doona ilaa berri oo Talaado ah.