Soomaali badan oo ka soo cararaya Nairobi kuna qulqulaya Muqdisho

Nairobi (Caasimada Online) Tan iyo wixii ka dambeeyay markii dowladda Kenya ay ku dhawaaqday in qoxootiga Soomaalida ee ku sugan magaalada Nairobi ay iska xaadiriyaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab iyo Kaakumo, waxa bilowday in Soomaali badan ka soo tagaan halkaas.

Waxa mashquul noqday xarumaha wakiilada shirkadaha duulimaadka ee aada Soomaaliya, waxa lagu arkayaa Soomaali badan oo raba in ay aadaan Soomaaliya, kuwaasoo ka cabsi qaba in saameen ku yeelato amarka Kenya ay soo saartay.

Waxa aad u batay duulimaadka ka immaanaya Kenya ee soo aadaya Soomaaliya, waxana inta badan shirkadaha diyaaraha ay sheegeen in ay soo qaadaan toddobaadkii dhowr duulimaad oo ah Soomaali ka immaaneysa Kenya, kuwaasoo doonaya in ay soo aadaan Soomaaliya.

Qaar badan oo ah shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada ayaa sheegaya in toddobaadyo ka hor shaqo badan aysan heenin, laakin wixii ka dambeeyay amarkii Kenya in xafiisyadda shirkadaha diyaaradaha ay noqdeen kuwa mashquul ah.

Soomaali badan oo horrey uga soo cararay Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, ayaa hadda raba in ay dib ugu soo laabtaan, sababtu waxa ay tahay dhibkii ay ka carareen ayaa hadda la soo darsay, mar haddii qaraxyo iyo dilal ay ka bilowdeen xaafadda Soomaalida ugu badan tahay ee Islii.

Qoysas badan ayaa lagu arkayaa garoonka diyaaradaha Jooma Kinyaata, kuwaasoo raba in ay soo aadaan Muqdisho, waxa aad u kordhay duulimaadyada aada Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Sida ay lee yihiin shaqaalaha xafiisyadda shirkadaha diyaaradaha ee xaafadda Islii, waxa maalin kasta magaalada Muqdisho soo aada in ka badan 200 oo qof.

Dhinaca kale, waxa jirta Soomaali badan oo iyana u sii gudbay waddanka Uganda, kuwaasoo raacaya diyaarad ama bas.

Goobaha basaska laga raaco magaalada Nairobi ayaa waxa lagu arkayaa qoosas badan oo carruur wata kuwaasoo doonaya in ay soo aadaan Muqdisho ama Kampala.

Soomaali badan ayaa ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, waxana QM ay sheegtay in magaalada Nairobi ay ku nool yihiin ku dhawaad 30,000 oo Soomaali ah.

Soomaalida xaafadda Islii iyo magaalada Nairobi waxa ay ku lee yihiin goobo ganacsiyo oo aad u waawayn, kuwaasoo dhowrkii sano ee la soo dhaafay halkaas laga sameeyay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi