Baarlamanka Soomaaliya oo ay ka dhex tafatay maanta

Kulan buuq ku dhamaaday ayaa waxaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay Xildhibaanada Barlaamanka Soomaaliya kaas oo natiijo la’aan lagu kala tagay maanta.

Waana Markii ugu horaysay Mudanayaasha Cusub ee Baarlamanka Soomaaliya ay buuq ka dhex sameeyaan kulan ay lahaayeen dhexdooda.

Muhiimada kulanka oo ahaa ka doodista miisaaniyada Xukuumadda Soomaaliya ee 2013 ayaa intii ay socotay dooda waxaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay talo ahaan usoo jeediyeen in safaaradaha tirada badan la yareeyo.

Cismaan Aw-libaax oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goobta ka jeediyay in laga maarmo safaaradaha qaar ee ku yaala dalalka caalamka isaga oo ka xusay dalka China iyo Ruushka.

Dhankiisa waxa soo istaagay oo goobta hadal ka jeediyay Xildhibaan C/raxmaan Xaaji Ibi oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo sheegay in hadii laga maarmo saafaradaha dalalka China iyo Ruushka taasi macnaheeda uu yahay in iyana laga maarmo Turkiga iyo qaar kamid ah safaaradaha dalalka Africa.

Intaasi kadib ayaa waxa ay goobta noqotay meel buuq iyo qeylo noqotay oo ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay buuqaan taasi oo keentay in kulanka uu kusoo dhamaado natiijo la’aan.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka oo kulanka Shirgudoominayay ayaa waxaa uu sheegay in shirka uu xeran yahay.

Shirka buuqa ku dhamaaday maanta ayaa waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamanka Jawaari oo matalaya Madaxwaynaha dalka.