Warbixin: Dibad baxyo ka dhan ah Faroole oo ka dhacay Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dibadyo maanta ka dhacay maagalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, kuwaasoo looga soo horjeedo madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdi Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Dibad-baxyada ayaa la soo sheegayaa in khasaaro naf ay ka dhasheen sida ay lee yihiin goobjoogayaasha.

Inta la ogyahay seddax qof ayaa ku dhaawacmay dibad-baxa markii ciidamada ammaanka rasaas ay kula kala ceyriyeen dad dibad-baxayay oo ku sugnaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dadka ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah maamulka madaxwayne Faroole, waxana ay la haayeen “Doonimeyno kaligii taliye waa inuu aqbalaa in doorashada Puntland la qabtaa 8-da January 2013-ka isla markaana la sii daayaa nabadoonada Puntland.”

Dibad badbaxa oo markii hore ku bilowday si tar-tar tiib ayaa markii dambe isku badalay dibad bax ballaran, oo ciidamada iyo dad dhagxaan wata ay is raacdeesteen, sida ay lee yihiin dadka goobjoogayaasha.

Waxaa ay u badnaayeen dhalliyaro iyo haween, kuwaasoo watay boorar lagu soo qoray hal ku dhigyo ka dhan ah madaxwaynaha Puntland.

Markii dibad-baxyada bilowdeen waxa la xiray dhammaan goobaha ganacsiga ee ku yaalla magaalada iyo goobihii dawlada sida xarunta gobolka, xarunta degmada, xarunta booliska, maxkamada iyo xafiisyada kale kuwaasoo laga cabsi qabo in la weeraro.

Ma jiraan wax war ah oo illaa hadda ka soo baxay masuuliyiinta Puntland oo ku aadan dibad-baxyada maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Xaalladda magaalada ayaa caawa deggan, waxana weli xiran goobaha ganacsiga, iyadoo magaalada lagu arkayo ciidamo si teel-teel ah u wareegaya.

Bishii hore ayaa dibad-baxyo looga soo horjeedo madaxwayne Faroole oo ay ka qayb qaateen dameero ay ka dhaceen magaalada Qardho ee gobalka Karkaar, xilligaas waxa magaalada booqanaya madaxwaynaha Puntland.

Deegannada Puntland waxa hadda ku soo qulqulaya siyaasiyiin iyo ganacsato caan ah kuwaasoo damac uu ugu jiro in ay ka qayb galaan doorashada Puntland oo lagu wado in ay ka dhacdo bisha soo socota, laakin wali aan la isku afgaran oo uu jiro khilaaf ballaaran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo